Muqdisho–KNN– Wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Goor Dhow Diyaarad Nuuca Duuliye la’aanta ah ee loo yaqaan Drone’ska ay ku soo dhacday Meel u dhaw Sarta Maslax oo ku agtaala Xarunta Ciidamada Asluubta .
Diyaaradda ayaa la sheegay in ay ku dul dhacday Kaam ay degen yihiin Dad Barakacayaal ,waxaana la sheegay in ay wax yeello ka soo gaartay Dad ku jiray Guri ka sameysan Baco iyo Cooshado oo Diyaaraddu ay ku dul dhacday,inakstoo aan wali la ogeyn Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay intaba.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa Goobta isku gadaamay,iyagoo Dadka u diidaya in ay u soo dhawaadaan Goobta ay Diyaaraddu ku dhacday.
Faah-faahinta dib kala soco Insha Allah