Muqdisho–KNN– Diyaarad Milatari oo laga leeyahay Wadanka Qadar ayaa hadda ka soo degtay garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho,waxaana ay qaadi doontaa 37 Qof oo ah kuwa Qaba Dhaawacyada halista ah islamarkaana ka mid ahaa Dadkii lagu Xasuuqay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Garoonka Aadan cadde ayaa hadda waxaa ku sugan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid cabdi Maxamed iyo Mas’uuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan,waxaana sidoo kale tagi doona Madaxweynaha Soomaaliya ama Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda si ay uga qeyb galaan oo ay u Sagootiyaan Dadka Qaba Dhaawacyada ee la qaadayo.