Somali News

War deg deg ah:- Diyaarado dagaal oo duqeeyay Saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin koofurta gobalka Mudug

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya koofurta gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa soo sheegaya in Diyaarado dagaal ay duqeeyeen goobo Al-shabaab ay ku sugnaayeen oo ku yaala inta u dhaxeysa Camaara iyo Ceel-huur.

Wariyaha Idaacadda kulmiye iyo goob joogayaal ayaa soo sheegaya in deegaanka Maamiye oo ku yaala inta u dhaxeysa Ceel-huur iyo Camaara ay galabta duqeeyeen diyaarado dagaal.

Deegaanada la duqeeyay ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, Al-shababa ayaa deegaanadaan bilooyin ka hor ku dagaalamay dadka deegaanka.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

La soco wixii ku kordha.