Uncategorized

War deg deg ah: Dowladda Soomaaliya oo Shabaab u aqoonsatay ONLF kana hadashay Qalbi dhagax.

Muqdisho-KNN-Waxaa goor-dhaw soo dhamaaday kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada ee Xukumadda Soomaaliya kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Aqalka sare odayaal iyo siyaasiin hore waxaana kulankaasi Dowladda ay kaga hadashay Arinta Muranka badan dhalisay ee Qalbi dhagax.

kulankaas oo saacado badan qaatay ka dib waxaa Wariyaasha qodobadii laga soo saaray shirkaas wariyaasha u aqriyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “yariisow” Waxa uuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Dowladda Ethiopia ku wareejisay C/kariin Shiikh Muuse “Qalbi dhagax” oo ahaa Sarkaal ka tirsan ONLF.

Dowlada ayaa Sheegtay markii loo eego heshiisyo ay hore u galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ay waajib ku tahay Dowlada Soomaaliya in ay Ethiopia u gacan giliso Qalbi dhax oo ay sheegtay in uu ahaa Argigixiso.

Bayaanka Dowladad Soomaaliya ayaa lagu sheegay in C/kariin Shiikh Muuse uu ahaa Nin Argigixiso ah oo qatar ku ahaa danaha Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia sidaas darteedna uu shabaab yahay Dowlada Ethiopia-na gacanta loo giliyay.

Dhinaca Kale Dowlada Soomaaliya waxa ay urur argigixiso u aqoonsatay Jabhadda ONLF oo ka dagaalanta Dhulka ay Itoobiyo Maamusho ee Soomaali Galbeed waana markii ugu horeysay ay Dowlad Soomaaliyeed ONLF u aqoonsato argigixiso.