Uncategorized

War deg deg ah-:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Maxkamad la hor-geyn doono C/raxmaan C/Shakuur.

Muqdisho-KNN-Afayeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” oo goor-dhaw Shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Soomaaliya ay weerarkaasi fuliyeen Islamarkaana ay watayn warqad ruqsad soo qabasho ah Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Afayeenka ayaa sheegay in C/raxmaan C/shakuur Gurigiisa laga hago dabin ama qiyaano Dowlado Shi-sheeye la damacsan yihiin Soomaaliya waxa uuna sheegay in ay Maxkamad soo taagi doonto Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan oo goor-dhaw soo dhamaaday ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay heshay xog dheeraad ah oo ku saabsan in C/raxmaan C/Shakuur warsame uu lacago ku soo qaatay Duminta Dowladda Soomaaliya waxayna sidoo kale sheegeyn in aan marna loo dulqaadan doonin Arimaha nuucaan oo kale ah.

 

Goor-dhaw Filo Faah faahin Shirka jaraa’id oo dhameestiran