Uncategorized

War Deg Deg ah:- Gaari looga shakisan yahay inuu Qarax wado oo la dhigay Jaamacadda Ummadda

Muqdisho–KNN– Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Xiray Agagaarka Jaamacadda Ummadda Ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo la soo dhigay Gaari Kaarib ah islamarkaana looga shakisan yahay in laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Goobta isku gadaamay,waxaana Aagaas loo diiday Dadka iyo Gaadiidka intaba si looga fogaado in ay waxyeello gaarto.

Gaariga ayaa la dhigay Darbiga Jaamacadda Ummadda Dhanka Xigta Daljirka Dahsoon,waxaana weli socda Baaritaano ay wadaan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Faah-faahinta Dib kala soco Insha Allah