Uncategorized

War deg deg ah: Golaha Wasiirada Soomaaliya oo taageeray Xil ka qaadistii Madaxweyne Cosoble.

Muqdisho-KNN-Kulan aan caadi aheyn oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle waxaana lagu taageeray go’aankii Baarlamaanka Maamulkaassi ay ka qaateen Madaxweynihii Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Golaha Wasiirada ayaa warbixino ka dhageestay Wasiiradii dhawaan tagay Magaalada Jowhar kuwaas oo u kuur galayay Sidii ay u dhacday Xil ka qaadistii Madaxweyne Cosoble waxaana kadib lagu dhawaaqay in Xukumadda Soomaaliya ay taageersan tahay Xil ka qaadistii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle.

Wasiirada waxay sheegeen in  go’aanka Baarlamaanka uu yahay Dastuuri iygoo u qabtay mudo 30 Cesho ah in ay ku soo doortaan Madaxweyne Cosob.

Madaxweynihii xilka laga qaaday ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho waxaa uuna kulan la leeyahay Madax ka tirsan Q.M. kaas oo la sheegay in uu ka dhacayo Magaalada Muqdisho.