Uncategorized

War deg deg ah-: Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka oo dhuusamareeb lagu xiray.

Dhuusamareeb-KNN-Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa-banaan ee qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo yarey” ayaa goor-dhaw lagu xiray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud ee Soomaaliya.

Warar ay heshay Idaacadda kulmiye ayaa sheegaya in Xaliimo Yarey ay dhuusamareeb ka qabtayn Ciidamada Ahlusunna waxaana la sheegay in la geliyay Xabsi guri, oo ku yaala dhuusamareeb.

Ciidamo ay wadatay ayaa sidoo kale la sheegay in hubka laga qaaday sidoo kalane la xiray.

Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” oo aan goor-dhaw Telephone’l-ka kula hadlay ayaa sheegtay in aysan ka hadlayn xerageeda, balse Saraakiil ku sugan Dhuusamareeb ayaa arintaan u xaqiijiyay KNN.

Lama oga sababta ka dambeysa xeragga Xaliimo Yarey, balse waxa uu xerageeda ku soo aadayaa xili ay maanta ka degtay magaalada Guriceyl ee Gobalka Galgaduud.

Sidaan oo kale Ahlusunna ayaa xalay 5 qof oo dumar ah ku xirtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.