Uncategorized

War deg deg ah:- Guddoomiye Jawaari oo iscasilay.

Muqdisho-KNN-Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Soomaaliya Cabdi wali Shiikh Ibraahim Muudeey ayaa goor-dhaw sheegay in uu iscasilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

Warqad la sheegay in uu soo qoray Guddoomiye Jawaari ayaa laga hor aqriyay fadhi la sheegay in aysan joogim Xildhibaano badan oo maanta ka qabsoomay xarunta Golaha shacabka Soomaaliya waxaana warqadaasi ku qorneed in uu iscasilay Prof Jawaari.

Ma jirto faah faahin intaas ka badan oo laga haayo, Xildhibaan ka tirsan garabka Guddoomiye Jawaari ayaa ii sheegay in warqad la aqriyay balse aysan xaqiijin karin xaqiiq ahaanshiyaha Warqadda.

la soco wixii ku soo kordha.