Uncategorized

War deg deg ah: Gudigii Dowladda u xilsaartay Baaritaanka Dadkii lagu dilay Bariire oo maanta ku wajahan deegaankaasi.

Muqdisho-KNN-Sida ay Idaacada Kulmiye u xaqiijiyeen Odayaasha dhaqanka deegaanka Bariire ee gobaka Shabeelaha Hoose waxaa maanta deegaankaasi ku wajahan Gudigii ay Dowladda Soomaaliya u xil saartay in ay soo Baaraan dadkii lagu dhameeyay deegaanka Bariire Jimcihii Todobaadkaan.

Gudiga Xaqiiqa raadinta ayaa la soo kulmi doona odayaasha dadkii la dilay iyo sidoo kale dadka deegaanka waxaana hogaaminaya Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Isloow.

Shalay oo Sabti ah ayaa Xukumadda Soomaaliya gudi baara Falkii ka dhacay Bariire u magacaawday kuwaas oo loo qabtay Mudo Shan maalmood ah in ay warbixin ka keenaan sida uu u dhacay weerarkaasi dadka loo geestay iyo Cidda geysatay.

Dadkii lagu dilay Bariire oo 10 qof oo beeralay ah oo ay ku jiraan 3 caruur ah ayaa Saameeyay Siyaasadda Soomaaliya waxaana ka dhashay Guux badan.