Uncategorized

War deg deg ah: Gudoomiye Waaxeed goor-dhaw lagu dilay degmada Xamar Jajab.

Muqdisho-KNN-Alle ha u naxariistee waxaa goor-dhaw degmada Xamar jajab ee gobalka Banaadir lagu dilay Haweeney Gudoomiye Waaxeed ka aheyd degmadaasi.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka  Buundada 1aad ee degmada Xamar jajab sida ay noo xaqiijiyeen Ehelada Haweeneyda la dilay, Ciidamad amniga ayaa hada Howlgal ka wado degmadaasi.

Alle ha u naxariistee Haweeneyda la dilay ayaa lagu  Foos Maxamed Xuseen kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay gurigeeda ugu galeen Haweeneyda la dilay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan Jahwareer dhinaca amniga ah, Shacabka Muqdisho ayaa qaba walaac Xoog leh iyo Cabsi badan waxaana joogto ka noqday dilalka iyo Weerarada Al-Shabaab.