Uncategorized

War deg deg ah: Labo Murashax oo ka tanaasulay doorashada wareegga 2aad ee Madaxweynaha Hirshabeelle.

Jowhar-KNN-Murashaxiinta kala Cabdi Faarax Laqanyo iyo  C/naasir Xaaji Shirwac ayaa goor-dhaw ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen tartanka wareegga 2aad ee doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle waxaana halkaasi hada tar tan adag ku dhax-marayaa Labada Murashax ee kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Daahir Cabdulle Caawale.

Tartanka Murashaxiinta ayaa aad u adag waxaana aad loo saadaalinaya in uu ku guuleysan doono Murashaxa lagu magacaabo Maxamed Cabdi Waare oo codadka ku horeeyo markii loo eego Murashaxa kale ee la tartamaya ee Daahir Cabdulle Cawaale.

La soco wixii ku soo kordho.