Uncategorized

War deg deg ah-:Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle oo la doortay

Jowhar-KNN-Doorashadii Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo goor-dhaw la soo gaba-gabeeyay ayaa waxaa ku guuleestay Maxamed Cabdi Waare oo ka adkaaday Daahir Cabdulle Caawale.

Dabaal dagyo ayaa ka socda Jowhar iyo Beled-weyne waxaana la maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidanka Soomaaliya taas oo ah dabaal dagga Guusha Madaxweyne Waare.

Maxamed Cabdi Waare oo ku guuleestay tartankii maanta ayaa ah markiisii labaad ee uu u tartamo Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle waxaana sanadkii hore kaga guuleestay Madaxweynihii hore Cali C/llahi Cosoble.

 

La soco wixii ku soo kordho doorashada.