Uncategorized

War Deg Deg ah:- Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Dagaalka Xeraale

Cadaado–KNN–Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta Magaalada Cadaado kula Shiray Baarlamaanka Maamulka Galmudug,waxaana ay ka wada hadleen Arrimo Dhowr ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanadu ay wax ka qeydiiyeen Dagaalka ka socda Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud islamarkaana u dhexeeya Maleeshiyo Degaanka ah iyo Ciidamada Maamulka Ahlusunna.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Galmudug ay Difaaceyso Shacabka Reer Xeraale islamarkaana aysan Aqbali doonin in la dhibaateeyo Dadka ku nool Magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa Baarlamaanka ka horsheegay inuu soo celin doono Wasiiraddii Xukumaddi C/kariin Guuleed,kuwii is casilayna uu soo Magacaabi doono,iyadoo hadalkaas ay ka soo horjeesteen qaar kamida Xildhibaanada Galmudug.

Xaaf ayaa horay Baarlaamnka Galmudug uga Codsaday in ay Mudo 72 Cisho ah ay siiyaan si uu u soo dhiso Xukumad Cusub,iyadoo Warka Maanta uu Baarlamaanka ka horsheegay uu ka duwan yahay Go’aankiisii hore.