Cadaado–KNN– Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Wafdi la socda ayaa Maanta oo Talaado ah tagi doona Degaanka Mareergur Ee Gobolka Galgaduud islamarkaana u dhexeeya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Godinlabe.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Galmudug ayaa Wariyaasha u sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele uu Maanta tagayo Degaanka Mareergur oo uu halkaas kula kulmi doono Wafdi ka socda Ahlusunna.
Wafdiga Ahlusunna ee Madaxweyne Xaaf kula kulmi doona Degaanka Mareergur ayaan la shaacin Cidda Hogaamineysa,waxaana Kulankaan uu noqonayaa kii ugu horeysay oo Waji-ka waji ay u wada kulmaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Saraakiil sare oo ka socota Dhanka Maamulka Ahlusunna.
Lama sheegin waxa kulanka Maanta looga hadli doono,balse waxaa uu imaanayaa Kulankaan Xili Madaxweynaha Galmudug uu ku dhawaaqay Golaha Wasiiradda Maamulkaasi iyo Iyadoo Xiisad Dagaal oo u dhexeysa Maleeshiyaad Taabacsan Ahlusunna iyo kuwo Degaanka ah ay ka jirto Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.