Uncategorized

War deg deg ah: Madaxweynaha Galmudug oo soo magacaabay Golihiisa Wasiirada.

Cadaado-KNN-wararka ka imaanayaa Magaalada cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudg ayaa soo sheegaya in goor dhaw uu golahiisa wasiirada Ku dhawaaqay kuwaas oo u badan kuwii hore.

Madaxweyne Axmed Dacaale Geelle Xaaf ayaa shaaciyay Golahiisa wasiirada oo ka Kooban 22 Wasiir iyo 22 Wasiir Ku xigeyn iyo 8 Wasiiru dowlo kuwaas oo intooda badan ah Wasiiradii hore ee xukumadii Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweyne Xaaf ayaa ahay Xildhibaanada ka dalbaday in loo meel mariyo wasiirada dib loo soo magacaabayo si buu yiri shaqada Galmudug hore u socoto.

Xildhibaanada qaar ayaa diidan Waxaana la filayaa in dhawaan la hor geeyo wasiirada dib loo soo magacaabay kuwaas oo u badan xukumadii hore ee Guuleed.