Somali News

War deg deg ah:-Madaxweynaha Simbabwe oo qarax ka badbaaday.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya dalka Zimababwe ayaa soo sheegaya inuu qarax ka badbaaday Madaxweynaha Wadankaasi oo ku sugnaa goob ay dad weyne isugu soo baxeyn oo ku taala magaalada Xarunta ah ee Harara.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow meeshii uu taagnaa Madaxweynaha Zimbabwe, waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu badbaaday oo aysan waxyeelo soo gaarin.

Afayeen u hadlay Madaxtooyada Zimamwe ayaa warbaahinta “Madaxwayne Mnangagwa lama dilin lamana dhaawicin waxaa uu ku sugan yahay  Aqalka Madaxtooyada Bulawayo isaga oo nabad qaba”.