Uncategorized

War Deg Deg ah:- Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyay Fanaanadda Yurub Geenyo

Hargeysa–KNN– Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu Cafis u fidiyay Fanaanadda Caanka ah ee lagu Magacaabo Yurub Maxamed Cabdi Yurub Geenyo oo Mudooyinkii dambe ku sugneyd Magaalada Muqdisho.

Fanaanadda Yurub Geenyo oo horay ugu tirsaneyd Kooxda Fanaaniinta Xiddigaha Geeska ee Fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa ayaa Mudo Sanad ku dhow ku sugneyd Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,waxaana Somaliland ay sheegtay in Fanaanaddaas ay ku Xad gudubtay Qarannimada Somaliland islamarkaana aysan imaan karin Degaanada Maamulkaasi.

Hasayeeshee War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu Cafis u fidiyay oo ay Somaliland imaan karto Yurub Maxamed Cabdi Yurub Geenyo.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay Fanaanadda Yurub Geenyo ay ka dagatay Garoonka Cigaal Ee Magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa Dhowr jeer Xirtay Saxafiyiin iyo Fanaaniin yimid Magaalada Muqdisho,waxaana sidoo kale jirtay Fanaaniin Degaanada Somaliland laga Mamnuucay in ay tagaan.