Uncategorized

War deg deg ah-: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi qaybdiid.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Madaxweynaha ayaa amray in si deg deg ah loo baaro ciddii ka dambeysay weerarkaasi sharcigana la waafajiyo.

Madaxweynaha Dalka ayaa sheegay in Howlgalkaasi uu ahaa mid sharci darro ah waxa uuna Taliyaha xoogga ku amray in uu soo baaro falkaasi iyo ciddii amartay.

Dhinaca kale waxaa goor-dhaw la xaqiijiyay in Ciidanka weerarka fuliyay ay ka tirsan yihiin kuwa xoogga Soomaaliya xili warar goor hore soo baxay ay sheegayeen in ay ka tirsan yihiin Nabad sugidda Soomaaliya.

Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid sharci darro ah lana baari doono.