Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda Sports Tafsiir

War Deg Deg ah:- Madaxweyne Cosoble oo ka soo horjeestay Xilka qaadistii lagu sameeyay

Jowhar–KNN–Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble oo Maanta ku laabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaasi ahna Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ha kadlay Xilka qaadistii Xildhibaanada Hirshabelle ay sheegeen in ay ka qaadeen Xilkii Madaxweyne.

Madaxweyne Cosoble ayaa Xarunta Madaxtooyada Jowhar ku soo bandhigay illaa 38 Xildhibaan oo ka soo horjeeda Go’aanka Xilka qaadista,waxaana uu sheegay Madaxweyne Cosoble in Tirada ay sheegteen Xildhibaanada uu yahay been abuur islamarkaana aysan haysan Tiradii Saxda aheyd ee Ridi kartay Madaxweynaha.

Madaxweyne Cosoble ayaa sidoo kale sheegay inuu yahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee Hirshabelle islamarkaana Xildhibaanada sheegay in ay Xilka ka qaadeen ay yihiin kuwo aan dhameyn intii Dastuurku Ogolaa.