Uncategorized

War Deg Deg ah:- Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo ka soo horjeestay Xiriirka ay Galmudug u jartay Qadar

Cadaado–KNN–Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Guddoomiye kuxigeenka ayaa war wadajir ah oo ay goor dhow ka soo saareen Cadaado waxay kaga soo horjeesteen go’aankii xalay ka soo baxay Madaxweyne Xaaf, kaasoo lagu taageerayay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee xiriirka u jaray dowladda Qatar.

Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in aanan lagala tashan warqadii ka soo baxday Madaxtooyada Galmudug ee uu ku saxiixnaa Madaxweyne Xaaf.

Qoraal ay si wadajir ah ay u soo saareen ayaa waxay ku sheegeen in Galmudug ay ku mowqif tahay dowladda Dhexe, ayna taageerayaan dhex dhexaadnimadii ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.

Maamulka Galmudug ayaa isku khilaafsan taageerida Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyadoo aan la ogeyn saameynta ka dhalan doonta xiisadan siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka Khaliijka, oo maamulada Soomaaliya ay ku kala aragti duwan yihiin.