Uncategorized

War deg deg ah: Maxkamadda Sare ee Galmudug oo Go’aan ka gaartay Khilaafka Madaxda Maamulkaas.

Cadaado-KNN-Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee maamulka Galmudug ayaa goor-dhaw soo saaray go’aanka ay Maxkamadda ka qaatay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulkaasi.

Dr Yaxye Shiikh Cali Maxamed Gudoomiyaha Maxkamadda sare ayaa go’aamiyay in ay sax tahay Xil ka qaadistii Xubno ka tirsan Baarlamaanka maamulkaas ay ku sameeyeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geele halka Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaankana uu xilkiisa ku waayay maqnaansho mudo ka badan 100 maalmood.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa sharciyeeysay xil ka qaadistii sidoo kale lagu sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeynka maamulkaasi.

Madaxweynaha KMG ah ee Galmudug ayay Maxkamadu sheegtay in uu yahay Gudoomiye ku xigeynka 2aad ee Baarlamaanka maamulkaas.

Hoos ka aqriso Go’aanka Maxkamadda