Uncategorized

War deg deg ah-: Maxkamadeyntii C/raxmaan C/shakuur oo dib u dhacday

Muqdisho-KNN-Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa goor-dhaw ku dhawaaqday in dib loo dhigay Maxkamadeynta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo lagu balansaa in ay galabta ka dhacdo Muqdisho.

Xeer-ilaalinta ama dacawd oogayaasha C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa maanta laga sugayay in ay keenaan cadeymo la xariira waxybaaha lagu soo eedeeyay C/raxmaan C/Shakuur oo 17-kii Bishaan laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Avv. Tahliil Xaaji oo ah Qareenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur oo ay goor-dhaw la hadashay KNN ayaa u xaqiijiyay in lagu soo wargeliyay Maxkamaddii galabta ay dib u dhacday ilaa maalinta berry ah.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha dib ugu dhacday ay tahay in warqadii amarka Maxkamadda ee lagu faray in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo in loo geeyay Xeer Ilaalinta saaka 8-dii subaxnimo, sidaas darteed ay muddada waqtiga loo geeyay ay ka bilaabaneyso 24-ka saac, kuna egtahay maalinta berri 8-da subaxnimo.

Kulamo siyaasadeed ayaa saacadihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay arrinta xarigga, sidoo kale waxaa la sheegay in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, sida Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku booqdeen C/raxmaan C/shakuur Xabsiga xabsiga laga sii daayo.