Uncategorized

War Deg Deg ah:-Nabaddoon Goor Dhow lagu dilay Duleedka Garbahaarey

Qur’aan Googoo–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo Ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Dableey Bastoolado wadatay ay Barqanimadii Maanta ku dileen Degaanka Qur’aan Googoo oo u dhexeeya Magaalooyinka Garbahaarey iyo Luuq ee Gobolka Gedo Nabaddoon Caan ka ah Gobolka Gedo.

Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Nabaddoon Xuseen Maxamuud Macalin oo ku Magac dheeraa Xuseen Dhafoor.

Alle ha u naxariistee waxaa la sheegay in Nabaddoon Xuseen Maxamuud Macalin uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanadii lagu soo doortay Magaalada Kismaayo ee ka mida Labada Gole ee Dowladda Soomaaliya.