Uncategorized

War deg deg ah-:Natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland oo la shaaciyay.

Hargeysa-KNN-Muuse Biixi oo loo doortay Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku guuleystay doorashadii Somaliland ka dhacday 13 November ee sanadkan 2017.

Xisbiga Kulmiye ayaa Doorashadaasi ka helay Saddex Boqol oo kun, shan kun, sagaal Boqol iyo Sagaal Cod(3005909) oo doorashada ka noqonaysa 55.59%.

Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa isna Helay Laba boqol oo kun, lix iyo labaatan kun iyo laba iyo sagaashan cod (200, 26092) oo u dhiganta 40.75%.

Xisbiga UCID ayaa isagu helay saddex iyo labaatan, boqol iyo kow iyo afartan (23141)4.17%.

Ciidamada Milatariga iyo Booliska ayaa heegan la giliyay waxaana laga cabsi qabaa in ay dhacaan Banaanbaxyo rabshada wata oo ay dhiagaan taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani.