Muqdisho–KNN– Dableey Bastoolado wadatay ayaa Salaadii Maqrib ka dib Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Degmada Deyniile ku dishay Nin Guddoomiye ka ahaa Xero ay degen yihiin Dad Barakacayaal ah oo ku taalla isla Tabeelaha Sheekh Ibraahim.
Ninka la dilay ayaa Magaciisa lagu soo koobay Cabdi Nuunow,waxaana la sheegay in ay dileen Dableey Bastoolado wadatay,kuwaas oo Kaxeystay Gaari Spacio ah oo uu watay Marxuunka la dilay.
Dhowr jeer ayaa Dilal nuucaan oo kale ah waxaa ay ka dhaceen Tabeelaha Sheekh Ibraahim,waxaana geysanayay Dableey Bastoolado wadatay.