Uncategorized

War deg deg ah:-Nin qoyskiisa ku laayay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Nin hubeysan ayaa goor-dhaw xaafad ka mid ah degmada Wadajir ee gobalka Banaadir ku laayay Qoyskiisa oo ka koobnaa 4 qof kadibna waxaa la sheegay in isaga is toogtay.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay ninkaan uu rasaas ku furay qoyskiisa waxaana halkaasi ku Geeriyooday afar qof oo ka mid ah Dadkii ku guri ku sugnaa oo ay waalaalo ahaayeen iyo Xaaskiisa.

Ninka dilka geestay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdul qaadir Caddaan, waxaana dadka uu dilay lagu kala magacaabaa Xaawo Maxamuud Caddaan oo ah Walaashiis, C/llaahi Maxamed Yalaxow iyo Maxamed Tuur-yare oo ay Ilmo Adeer ahaayeen iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabo Xaliimo Xuseen Cali Kowshe, intaas kadib ayaa la sheegay in isagana Istoogtay ninka dilka fuliyay.

Lama oga sababta ka dambeysay Arintaan waxayna laamaha amaanka sheegeen iney Baarayaan falkaan naxdinta leh ee ka dhacay Degmada Wadajir ee gobalka Banaadir.

La soco wixii ku soo kordha.