Uncategorized

War deg deg ah: Qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug oo sheegay in ay Xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Cadaado-KNN-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa goor-dhaw ku dhawaaqay in ay Xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” Ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug.

Xildhibaanada oo aan la hadlanay ayaa Xaqiijiyay in ay fariisteen 55 Xildhibaan oo ka tirsan Galmudug 52 ka mid ahna ay Haa u codeeyeen halka 2 ay ka aamustay 1 Xildhibana uu diiday.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada aanay wehlin Guddoonka Baarlamaanka, iyagoo sheegay inay iska dhex doorteen Guddoomiye, kaddibna ay xilka ka qaadeen kaas oo ay sheegeen in uu dhigayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Xaaladda magaalada Cadaado ayaa aad u qasan Caawa waxaana ka jiro jawi colaadeed oo ka dhax abuuran hay’adaha maamulkaasi.

La soco wixii ku soo kordha.