Uncategorized

War Deg Deg ah:- Qarax Gaari oo Goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama

Muqdisho–KNN– Qarax Gaari ayaa Goor Dhow ka dhacay Wadada Mashquulka badan ee Maka Al-mukarama gaar ahaan  ka soo horjeedka Maqaayad lagu Magacaabo Xadra-mindi oo ku dhagan Hotelka Weheliye Ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari la dhigay Wadada-waxaana ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dadkii Goobta ku sugnaa.

Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah ayaa Goobta tagay si ay u Daabulaan Dadka ay Waxyeeladu gaartay.

Warar kale ayaa  sheegaya  in Gaariga Qarxay uu waday Qof,iyadoo hadda Goobta ay Baaaritaan ka wadaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Wadada Maka Al-mukarama oo ah Wado ay  si weyn u Isticmaalaan Dadka Shacabka ah iyo Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa Dhowr jeer waxaa ka dhacay Qaraxyo loo adeegsaday Gawaari.

Faah-faahinta dib kala soco Insha Allah