Uncategorized

War deg deg ah:- Qarax goor-dhaw ka dhacay agagaarka Hotel Wehliye.

Muqdisho-KNN-Qarax loo adeegsaday Gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa ayaa goor-dhaw ka dhacay agagaarka Hotel Wehliye ee ku yaala Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in ay jiraan Khasaare Dhimasho ah iyo Dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah.

Si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay Khasaaraha waxaana socda Gurmadka Gaadiidka deg deg.

Sidoo kale faah faahin buuxda lagama haayo Qaraxa dhacay waxayna saraakiisha amaanka ay sheegeyn in ay ku howlan yihiin Baaritaanka Qaraxa dhacay.