Somali News

SAWIRRO:-War deg deg ah: Qarax goor-dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Qarax xoog leh oo la sheegay in loo adeegsaday Gaari ayaa goor-dhaw ka dhacy meel u dhaw Taalada Ex Xaruntii Baarlamaanka ee u dhaw Taalada Daljirka Daahsoon ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu ka dhacay Dhismo ay degan tahay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo ku taala ka soo horjeedka Xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, lama hubo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, wixii ku soo kordha la soco.