Muqdisho-KNN-Qarax Miino ayaa goor-dhaw ka dhacay Inta u dhaxeysa Isgoysyada Suuqa Xoolaha iyo SOS ee Magaalada Muqdisho waxaana qaraxa ka dib La maqlay rasaas ay ridayaan Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Khasaaraha ka dhashay ayaa la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay waxaana la sheegay in lala eegtay Gaari ay wateen Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaana wali ay ridayaan rasaas ciidankii qaraxa lala Bartilmaameestay.
Waxaa hadda xiran isku socodka Gaadiidka iyo dadka halka uu qaraxa ka dhacay waxaana isku gedaamay Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
La soco wixii ku soo kordho.