Uncategorized

War Deg Deg ah:- Qarax ka dhacay Maqaayad ku taalla Magaalada Baydhabo

Baydhabo–KNN–Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay maqaayad ku dheggan xafiiska Dahabshiil ee Magaalada Baydhabo Gabal-dhihii Galabta.

Qaraxa ayaa Sababay dhimasho iyo Dhaawac s00 gaaray Dadkii Maqaayadda ku sugnaa,waxaana la sheegay in illaa iyo Hadda Dhimashada la Xaqiijiyay Afar Qof,dhaawacuna uu gaarayo illaa 10 Kale.

Maqaayadda Qaraxa uu ka dhacay ayaa Sanadkii hore waxaa ka dhacay Qaraxyo,kaas oo ay sheegteen Al-shabaab.