Uncategorized

War deg deg ah: Qarax xoog leh oo goor-dhaw ka dhacay Nawaaxiga Bacadlaha Xamar-weyne.

Muqdisho-KNN-Qarax xoog leh oo loo Adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa goor-dhaw ka dhacay meel ku dhaw Isgoyska bacadlaha ee degmada Xamar weyne Waxaana ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska bacadlaha ee Degmada Xamar-weyne iyo Kaalin Shidaalka ee ka soo hor jeeda Waxaana la sheegay in uu ahaa Gaari weyn oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.

Dad badan oo shacab ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Kuwaas oo ahaa Shacab saarnaa Gaari ku sugan Bosteejo Gaadiidka Dad weynaha laga raro oo ku taalla Barxadda Ka soo horjeedka Bacadlaha Xamar-weyne.

 

La soco Wixii ku soo kordho.