Uncategorized

War deg deg ah:-Qaraxyo Caawa ka dhacay Xaafado ka mid ah Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Daqiiqado ka hor ayaa magaalada Muqdisho waxaa mar qura is qabsaday Dhawaaqa iyo Uurada Qaraxyo ka dhacaya meelo kala Duwan oo ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.

Qaraxyo oo u badan Bam Gacmeedyo ayaa wali laga maqlayaa Xaafadaha magaalada Gaar ahaan degmooyinka Xamar-weyne, Wardhiigley, Xamar Jajab, Waabari iyo Howl-wadaag.

Wararka qaar waxay Sheegayaan in waxa dhacaya aysan aheyn Qaraxa Bam Gacmeedka oo kaliya balse ay ku jiraan Hoobiyaal ku soo dhacay degmada Xamar-weyne.

Sidoo Kale Waxaa la maqlayaa dhawaaqa rasaas ay ridayaan Ciidamada Dowladda ee ku sugan meelaha Qaraxyada lagu wareeray, Waqti kooban oo xaalad qasan ah ayey gashay Muqdisho.

Si rasmi ah looma oga Khasaaraha dhimashada iyo dhaawac, arintaan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo magaalada ay la wareegeen Ciidamo gaar ah oo loogu talagalay Sugidda Amaanka Muqdisho maalmaha Bisha Ramadaan.