Muqdisho–KNN– Wararka aanu ka heleyno Isgoyska Ex-Koontorool Balcad ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM lala beegsaday Qarax Miino.
Goobjoogeyaal ayaa KNN u sheegay in illaa Labo Qarax lala Beegsaday Ciidamada AMISOM oo isxig-xiga.
Ciidamada AMISOM ee Qaraxyada lagu Weeraray ayaa la sheegay in ay Fureen Rasaas Xoog leh .
Sidoo kale Taliyaha Saldhiga Degmada Yaaqshiid Maxamuud Axmed Maxamed oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Qarax Miino uu ka dhacay Ex-Koontorool Balcad islamraakna aysan jirin wax Khasaare ah oo soo gaaray Ciidamada AMISOM iyo Dadka Shacabka ah intaba.
Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa Goobta soo gaaray,kuwaas oo baaritaano ka sameeyay Goobtii uu Qaraxu ka dhacay.