Muqdisho–KNN– Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Galabta kula hadlay Magaalada Muqdisho Boqolaal Dhalinyaro ah oo u badan kuwii ka qeyb qaatay Gurmadkii loo fidiyay Dadkii Qaraxii Musiibada ahaa uu ku Haleelay Isgoyska 14-October Ex-Zoobe ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Shacabkeeda ay bilaabi doonto Dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo Dalka oo dhan looga saari doono.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dagaalkaas uu bilaaban doono Sabtida soo socota islamarkaana uu noqon doono midkii Dalka oo dhan looga saari lahaa Al-shabaab oo lagu soo Afjari lahaa Dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaanaya Xilli Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Galaaftay Nolosha in ka badan 300 oo Qof ay Dadka ku nool Muqdisho Dareenkooda sida ay uga Xun yihiin ay Muujiyeen.