Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanayo gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegayo in goordhaw qarax uu haleelay Saraakiil ka tirsan qeybta 12ka April ee Milatariga Soomaaliya.
Warar horu dhac ah ayaa sheegayo in qaraxa uu haleelay Gaari ay Saarnaayeen Taliyaha qeybta 12ka April Cumar Dheere iyo Ammaan duulihiisa Cabdi Cali jamaame oo isagana ka tirsanaa 12ka April.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaw deegaanka Dhanaane ee duleedka magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale tiro Ciidamo ah ayaa la sheegay iney qaraxaasi ay ku dhinteen qaar kalane ay dhaawacmeen.
La soco wicii ku soo kordha.


