Muqdisho–KNN– Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Masuur oo Goor Dhow Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdiisho ayaa shaaciyay inuu ka baxay Fikirkii Al-shabaab islamarkaana uu doonayo inuu wada hadal la furo Dowladda Soomaaliya.
Sheekh Muqtaar Roobow ayaa Saxaafadda kula hadlay Hotelka City Place Ee Magaalada Muqdisho,waxaana Goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya Shirkiisa Jiraa’id.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur uu isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya islamarkaana uu yimid Magaalada Muqdisho.