Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

War Deg Deg ah:- Sheekh Muqtaar Roobow oo lagu wado in la keeno Magaalada Muqdisho

Warar lagu Kalsoon yahay oo ay heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur oo Maanta isku dhiibay Maamulka Koofur Galbeed Saacadaha soo socda la keeni doono Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Diyaaraddii Sheekh Muqtaar ka soo qaadi laheyd Degmada Xudur ay tagtay Magaalada Xudur oo Maanta lagu soo dhaweeyay Sheekh Muqtaar Roobow oo ku sugnaa Mudooyinkii dambe Degaanka Abal ee Gobolka Bakool oo Al-shabaab kula Dagaalamay.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed oo Sheekh Muqtaar kula kulmay Magaalada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa ka mida Mas’uuliyiinta Sheekh Muqtaar keeneysa Magaalada Muqdisho sida ay noo xaqiijiyeen Illo lagu Kalsoon yahay.

Waxii ku soo kordha Dib kala soco Insha Allah