Uncategorized

War Deg-deg ah; Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Jowhar

Jowhar–KNN–Saddex ruux ayaa ku dhimatay afar kalana waa ay ku dhaawacantay shil gaari oo goor dhow ka dhacay  duleedka Koofureed ee magaalada Jowhar.

Dadka ku dhintey shilkan ayaa la sheegay inay labo kamid ah ay ahaayeen haween halka qofka kalana uu ahaa rag,dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Jowhar.

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo ugu horeeyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha Siyaasada Maxamed Cabdi Sheekh ayaa u gurmaday dadkan iyagoo dhaawacii ka soo qaaday halka uu shilku ka dhacay oo ah tuulada garaash oo qiyaastii 4km u jirta magaalada Jowhar.

Shilkan ayaa ka dhashay gaari Noah ah iyo Mooto nooca gaariga ah oo rakaabka qaada oo ku sii jeeday tuulada Kongo halka baabuurkan la sheegay inuu ku soo socday magaalada Jowhar.’