Uncategorized

War Deg Deg ah:- Taliyaha Nabad Sugidda Degmada Kadxa oo lagu dhaawacay Muqdisho

Muqdisho–KNN– Koox Hubeysan oo wadatay Gaari Noah ayaa Maanta Isgoyska Xoosh ee Degmada Dharkeynley ku Weerartay Gaari uu watay Taliyaha Nabad Sugidda Degmada Kaxda Qooleey,waxaana Weerarkaas ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac intaba.

Taliyaha Nabad Sugidda Degmada Kaxda Qooleey ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay Weerarka islamarkaana uu ku dhintay mid kamida Ilaaladiisa sida uu KNN u Xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Kooxda Weerarka ku qaaday Taliyaha Nabad Sugidda Kaxda ay Gaari ay wateen ku Horjareen Taliyaha islamarkaana ay Rasaas Huwiyeen.

Waxii ku soo kordha dib kala soco Insha Allah