Uncategorized

War Deg Deg ah:- Taliyihii Nabad Sugidda Degmada Kaxda oo u Geeriyooday Dhaawacii soo gaaray

Muqdisho–KNN–War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Taliyihii Nabadsugida degmada Kaxda Maxamuud Xasan Macalin C/raxmaan oo ku magac dheer Qooley uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas dabley hubeysan ku fureen gaarigiisa xilli uu marayay Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenley.

Taliyaha oo dhaawac ahaan loola cararay Isbitaalka Madiina ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacaas, waxaana la sheegay in rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Taliyaha uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Dableyda hubeysan ee weeraray gaariga uu la socday Taliyaha ayaa la sheegay in gaarigii ay wateen ay ku hor-jareen, dabadeedna ay rasaas ooda uga qaaday gaariga, waxaana markiiba goobta ku geeriyooday Askari ilaalo u ahaa.

Degmada Dharkeenley oo ah halka lagu rasaaseeyay Taliyaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqotay goobaha ugu badan ee ay ka dhacaan weerarada lagu fuliyo gaari dad hubeysan saaran yihiin, waxaana todobaadkii hore ka dhacday labo weerar oo kan la mid ah.