Uncategorized

War deg deg ah-:Wariye Bqorka Bartamaha oo Muqdisho laga soo dejiyay.

Muqdisho-KNN-Waxaa hadda soo caga-dhigatay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho diyaarad uu saarnaa Wariye Maxamed Aweys Muudey “Boqorka Bartamaha” kaas laga soo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Diyaaradda oo aheyd diyaarad shacab oo ay rakaab kale saarnaayeen ayaa keentay Wariyaha kaligiis waxaana la sheegay in maxaabiis kale diyaarad kale ay ka soo qaadeyso Itoobiya.

Wariyaha oo hada ku sugan garoonka ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha iyo ra’iisal Wasaaraha waxa uuna sheegay in mudadii uu ku xirnaa Itoobiya uu ku soo qaatay daruufo adag, dadkii ka soo qeyb galay soo dhaweyntiisa ayaa waxaa ka mid ah ururka saxafiyiinta Qaranka ee NUSOJ.