Uncategorized

War deg deg ah-:Wariye Ka tirsan Telefishinka Kalsan oo u dhintay Qarax loogu xiray Gaari uu watay.

Muqdisho-KNN-Alle ha u naxariistii waxaa goor-dhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Maxamed Ibaarhim Gaabow oo ka tirsan Shaqaalaha Telefishinka kalsan Xarunta magaalada Muqdisho kadib qarax loogu xiray Gaari uu watay sida ay KNN u shageyn Wariyiyaal kale oo ka tirsan Kalsan TV.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ku dhintay halkii uu qaraxa ku qabsaday waxaana Qaraxa uu ka haleelay Qeybaha Sare  ee Jirkiisa sida ay xaqiijiyeen dadkii ka agdhawaa xili uu ku sugnaa Degmada wadajir ee Gobalka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray qeybta dambe ee Kursiga Darawalka waxayna taasi ay sababtay in qaraxa uu ka haleelo qeybaha sare iyo qeybaha dhexe ee jirkiisa, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu kala go’ay Marxuumka dhintay.

Wariyiyaasha Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii la soo dhaafay waxaa aad ugu yaraa beegsigii ka dhanka ah markii loo eego sanadihii la soo dhaafay, balse caawa ayaa arintaan waxay durba walaac ku beertay Suxufiyiinta magaalada Muqdisho.