Uncategorized

War deg deg ah-:Wasaaradda Amniga oo goor-dhaw ka hadlaysa weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Xeer-ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa lagu wadaa in goor-dhaw ay la hadlaan Saxafiyiinta Islamarkaana ay faah faahin ka bixiyaan Weerarkii ay xalay Ciidamada amaanka ku qaadeyn Guriga Siyaasiga Mucaaradka ah ee C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Qaar ka mdi ah Wariyiyaasha ka howlagala magaalada Muqdisho ayaa looga yeeray Xarunta taliska Ciidanka Booliska, waxayna soo sheegayaan in halkaasi ay ka hadli doonaan Mas’uuliyiinta ay soo sheegnay sida lagu wargiliyay.

Xaalad kacsanaan ah ayaa maanta ka taagan magaalada Muqdisho, waxaana heegan buuxa la giliyay Ciidamada amaanka, dad aan badneen ayaa banaanbaxyo ka dhigaya wadooyinka qaar ee gobalka Banaadir.