Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

War Deg Deg ah:- Wasiirro ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo Iscasilay

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar Ee Xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in Goor Dhow ay Iscasileen Wasiirro ka tirsan Xukumadda Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble.

Wasiirada Iscasilay ayaa la sheegay in ay gaarayaan 12 Wasiir oo isugu jira Wasiirro,Wasiir Kuxigeenno iyo Wasiir Dowleyaal.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wasiiradda Iscasilay ee Maamulka Hirshabelle ay ku jiraan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasiirka Kaluumeysiga.

Sababta ay isku Casileen Wasiirada ayaa lagu sheegay in ay tahay wada shaqeyn lahaan u dhaxeysa Golaha Wasiiradda Hirshabelle iyo Madaxweynaha Maamulkaas Mudane Cali C/llaahi Cosoble.

Arrintaan ayaa imaaneysa Xilli Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle ay Mooshin ka keeneen Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble.