Uncategorized

War Deg Deg ah:- Weerar Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Degmada Dharkeynley

Muqdisho–KNN– Koox Hubeysan oo watay Gaari Nuuca Raaxada ah ayaa Agagaarka Suuq Liif ee Degmada Dharkeynley Ee Gobolka Banaadir ku Weeraray Gaari kale oo la sheegay inuu saarnaa Nin Qorba-joog ah oo saakay ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada  Muqdisho ee Aadan Cadde.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga la Weeraray ay la heyd Xildhibaan ka tirsan Maamulka Galmudug,waxaana ku Dhaawacmay Weerarka Ninkii Qurba-joogta ahaa oo Magaciisa lagu soo Koobay Catoosh,halka la sheegay inuu ku dhintay Darawalkiisii Gaariga waday.

Goobjooge ku sugan Suuq Liif ayaa KNN u sheegay in Dhaawac Culus lagu qaaday Ninkii Qurba-joogta ahaa ee Weerarka lagu qaaday,waxaana Xusid mudan in isla Saakay uu ka yimid Ninkaan Magaciisa lagu soo Koobay Catoosh Wadanka Canadda.

Ciidamada Ammaanka ayaa Goobta soo gaaray,kuwaas oo sidii looga bartayaba Howlgallo ka sameeyay Goobtii ay wax ka dhaceen,balse ma jirto Cid ay Falkaasi u soo qabteen.

Degmada Dharkeynley Gaar ahaan Xaafadda Tabakaayo Madow ayaa shalay lagu Weeraray Gaari uu lahaa Guddoomiye Kuxigeenka Degmadaasi C/llaahi Xasan Afrax “Shaarkey”  waxaana Degmada ka dhacay Labo Maalin oo Xariir ah Weeraro ay Fuliyeen Koox Hubeysan oo wadata Gaari.