Uncategorized

Wiil Darawal ah oo Goor-dhaw lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ciidamo la sheegay iney ka tirasn Milatariga Soomaaliya ayaa goor-dhaw Wiil Darawal ah ku dilay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kadib rasaas ay ku fureen.

Goob Joogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Marxuumka la dilay uu ahaa Darawal Mooto Bajaaj waxaana toogtay Ciidamo watay Labo Gaari Nuuca dagaalka ah kuwaas oo hore u dhaqaajiyey dilka ka dib.

Ilaa hadda lama oga sababta dhalisay dilka Marxuumka, maadaama uu dilka dhacay daqiiqado ka hor.

Isgoyska Zoobe ayaa ah meel mashquul badan waxaana inta badan isku dhaca Wadayaasha Gaadiidka iyo Ciidamada Dowladda ee Isticmaala Wadada, Dhalinyarada kaxeysa Gaadiidka Bajaajta ayaa ah kuwa ugu badan ee la kulma xadgudubyada hay’adaha amaanka.