Dhuusamareeb-KNN-Maamulka Ahlusunna ayaa goor-dhaw Xabsi Guri kasii daayay Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya oo saacadihii la soo dhaafay ku xirneed Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.
Qaar ka mid ah dadkii la xirnaa Guddoomiyaha oo aan la hadalnay ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in hadda la sii daayay, sidoo kalane ay xuriyadooda ay heleyn Darawalkeedii iyo dad kale oo la socday oo ay Ciidamo ku jireyn.
Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” ayaa la sheegay in maalinta Isniinta ee todobaadkaan ay ka sii bixi doonto Dhuusamareeb, ma jirto wax war ah oo ay Warbaahinta siisay markii la sii daayay, balse waqtiyo kala Duwan oo aan la xariirnay ayaa waxay noo xaqiijisay in Xabsi guri la geliyay.
Ahlusunna oo dhawaan la midoobay maamulka Galmudug ayaa wali u dhaqma sida Jabhad oo kale, waxaana dadka degan deegaanada Maamulkaasi ay ka cabanayaan Caburin iyo Caga-juglayn.
Ahlusunna ayaa wali, waxaa u xiran ilaa 5 qof oo kale oo ay habeen hore ka qabtayn dhuusamareeb kuwaas oo ahaa Dumar caan ka ah magaalada lamana oga sababta loo heesto dumarkaasi.